Zooming into the Past |
Labadeenna Ra’iisal Wasaare Alloow Daa Ma Dhahnaa?
Taloow, codkeeda imisa $ ayuu joogay?
Taloow, xildhibaannadan imisa $ ayeey gacanta ku taagteen?
Labadeenna Ra’iisal Wasaare Alloow Daa Ma Dhahnaa?
October 29, 2007
Maqaalkan waxaan maanta ku soo qaadan doonnaa marxaladda mugdiga ah ee hadda mareeyso siyaasadda Soomaaliya, ee ah “I jiid aan ku jiidee”. Bal marka hore aan hordhac uga dhigno arrintan sooyaalka hab-dhaqanka is-maamulka ee aan soo marnay ama aanba dhaxalnay.
Tan iyo markaan xorriyadda aan qaadannay, bartamihii sannadkii 1960, waxaan ka dhaxalnay gumeeysigii Reer Galbeedka hab-dowladeed salka ku heysa nidaamka Reer Galbeedka (Western institutional arrangements). Haddaba intaan u gelin jahwareerka maanta ka jira Baydhabo, waxaa xusid mudan in dadka Soomaaliyeed ay lahaayeen is-maamul (heer qabiil) ay hormuud u ahaayeen Ugaas, Wabar, Malaaq, Boqor, Garaad, Islow IWM. Iyadana waxaa xusid mudan in qarniyadii dhexe nidaamka Islaamka uu ku faafay degaannada dadka Soomaaliyeed. Waxaana ku soo kordhay masraxa hogaanka reeraha Soomaaliyeed magacyo (titles) cusub oo loo bixiyey odey-dhaqameedyadeena; magacyadaasi oo ay ka mid yihiin Suldaan, Isim, iyo Imaam.
Nidaamka issimada Soomaaliyeed waa mid siyaabo farabadan shabbaha Boqortooyinka qarniyadii dhexe ka jiray adduunka, haddana weli ka jira meelo badan sida Sacuudi Caraabiya. Issimnimadu waa dhaxal oo wax doorasho ah salka kuma heyso. Waa sida “absolute monarchy” oo wax si toos ah kala xisaabtami karaa issimku arrimaha reerka uu u taliyo ma jiraan (no accountibility). Waxaa kaloo nidaamka issimada uu ku liitaa waa iyada oo la aaminsan yahay in la iska dhaxlo jagadaasi, oo reerka aayahiisa ay ku xirnaato qoys keliya.
Wadamada Reer Galbeeka (Western) laftooda waxaa jiray nidaam sidan oo kale ah oo salka ku haya “Talis iska-dhaxlid” (dynasties led by absolute monarchies). Waxaa nidaamkan dhaxaltooyo wiiqay nidaam uu hormuud u noqday wadanka Ingiriiska oo la yiraahdo “Parliamentary System”. Habkan cusub waxa awoodda ay ka xayuubisay boqorka ama boqoradda. Waxaa nidaamkan farayaa in dowladda ay yeelato afhayeen loo yaqaano “Ra’iisal Wasaare” (Prime Minister) oo laga soo dhex doorto golaha sharciyaqaanada loo yaqaan “parliamentarians” oo ka kooban dad gaaraya boqolaal laga soo kala doortay degmooyinka dalka. Ra’iisal wasaaraha waxaa uu soo dhisayaa gole wasiirro, ka dibna uu ansixin weydiisto baarlamaanka si howl-fulinta dowladda u hirgasho.
Hab-baarlamaankan Ingiriiska (oo loo yaqaan Westminster System) waxaa uu kale saaray awoodda sare ee dalkaasi. Awoodda boqortooyada waxaa laga dhigay mid magac-u-yaal ah (ceremonial monarchy) oo waxaa loo daayey darajada ah “Talis-qaran” (head of state). Afhayeenka xukuumaddana (ra’iisal wasaaraha) waxaa la siiyey awoodda ah “Talis- xukuumad" (head of government) oo mas’uul ka ah fulinta sare ee dowladda (executive power). Golaha baarlamaankana (parliamentarians) waxaa ay iyaduna mas’uul ka tahay wixii la xiriira awood sharci suubin iyo dhowrid (legislative power). Waxaa kaloo intaan soo raaca awoodo kale oo ay ka mid yihiin awoodda maxkamadaha (judiciary system) oo hadda shaashadda mawduuca maqaalkan aan khuseyn.
Dhammaadkii qarnigii 18aad, waxa nidaamka boqortooyada iyo tan “Parliamentary System” ku soo biiray mid kale. Nidaamkan cusub waxaa la yiraahdaa “Presidential System” ama hab-madaxweyne. Nidaamkan waxaa uu ka soo askumay ama keenay dalka Mareykanka. Nidaamkan, guud ahaan, waxa uu caksi ama lid (opposite) ku yahay nidaamka loo yaqaan Boqortooyo (absolute monarchy). Darajada sare ee loo yaqaan madaxweyne ma aha dhaxal, waqti cayiman oo la yaqaano ayaana xilkaasi uu heynayaa qof kasta oo jagadaasi qabtaa. Nidaamka cusub waxa uu maanta si ba’an ugu baahsan yahay qaaradaha South America iyo Africa.
Waxaa kaloo in la xuso mudan, dalka Faransiiska oo noqday wadankii ugu horreeyey Europe ee qaata nidaamka Madaxweyninimo, markii Napoleon Bonaparte iyo kuwa kale ay hormuud u noqdeen waxa ay ugu yeereen “The First Republic”. Laakiin, maanta nidaamka Faransiiska uu haysto, oo loo yaqaan “The Fifth Republic”, waxaa uu yahay nidaam “Semi-presidential System” ah, kana duwan kan Mareykanka (presidential) iyo nidaamka parliamentary-ga. Nidaamkan waxaa uu xeerinayaa in Madaxweynaha aan lagu faragelin arrimaha dibadda, ra’iisal wasaarahana aan lagu faragelin arrimaha gudaha. Iyadoo xusid mudan in uu madaxweynaha ay si toos ah u soo doortaan shacabka, ra’iisal wasaarahana uu soo magacaabo madaxweynaha, golaha baarlamaankana ay ansixiyaan codsiga madaxweynaha ama diidaan.
Sifooyinka nidaamyada “Presidential” iyo “Parliamentary”
Nidaamka “Presidential” ka waxaa dadka ku takhasusay nidaam-dowliga Reer Galbeedka ku sifeeyaan ama asaas uga dhigaan saddexdan qodob:
1. Waxaa madax qaran ( head of state) lagu noqon karaa iyada oo qofku ku guuleeystaa ama helaa codka ugu badan ee dadka dalka oo dhan (qaangaarka fiyoow). Doorashadaasi oo ah mid toos ah (direct vote), loo wada siman yahay (nin iyo naag ba), sirna ah (secret/ballot). 2. Inta aan la dooran madaxweynaha waxaa dadka ay ogyihiin waqtiga cayiman ee uu talada qaranka heynayo (afar, shan, ama lix sano aalaaba). Lagamana qaadi karo qofkaasi shacabku doorteen xilkiisa ilaa uu ka dhameeysto waqtigiisa (waa haddaan wax faxshad, ama wax caafimaad la xiriira uu soo bixin). Madaxweynaha xilka loogama qaadi karo codka baarlamaanka (parliamentary vote), maxaa yeelay waxaa si toos ah uu soo doortay shacabka dalka oo dhan. 3. Nidaamkan waxa uu madaxweynaha u oggolaanayaa in uu si toos ah u magacawdo wasiiradii kala shaqeyn lahayd fulinta sare ee xukuumadda (executive branch). Nidaamkan waxaa hadda tusaale u noqon kara hab-dowladeedka (institutional arrangements) Mareykanka.
Nidaamka “Parliamentary System” ka isna waxaa lagu gartaa ama aasaas u ah saddexda qodob ee hoos ku qoran:
1. Ra’iisal wasaaraha oo ah afhayeenka xukuumadda (head of government) waxaa soo magaacabo, sida dalal badan, qofka ah madaxa qaranka (head of state), iyadoo laga soo dhex dooranayo baarlamaanka; halkaasi oo xildhibaannada baarlamaanka siinaya/ama diidaya codka kalsoonida (vote of confidence). Haddii ay diidmo noqotana ay khasab ku tahay madaxa qaranka in uu soo magaacbo mar kale qofkaasi ama la yimaado qof cusub. Marka waxaa uu kaga duwan yahay ra’iisal wasaaraha nidaamka madaxweynenimada waxay tahay iyada oo aan jirin waqti cayiman oo la doorto qofka jagadaasi haya, oo markii la doono ay baarlamaanka kalsoonida kala noqon karaan. 2. Ra’iisal wasaaraha marka waxa uu howsha uu wado la socodsiin baarlamaanka mar walba. Taasoo badanaa aan ka aragno wadamada nidaamkan isticmaala ra’iisal wasaare maaalin walba ka dhaadhicinaya baarlamaanka howsha uu fulinayo meesha ay mareyso. Haddii ay u bogi waayaan howsha uu wado ra’iisal wasaaraha waxa ay kala noqon karaan codka kalsoonida. 3. Nidaamka waxaa kale uu kaga duwan yahay nidaamka madaxweynanimada (Presidential System) iyada oo aalaaba wasiirada laga soo doorto baarlamaanka, taasoo ku qasbeysa ra’iisal wasaaraha in inta uu magacaabin wasiiradiisa uu hoos ahaan (xeer jajab) uu u la hadlo madaxa qaranka iyo xubnaha baarlamaankaba, iskuna raacaan liiska magacyada uu u soo wado xilka.
Haddaba maxaa la oran karaa Nidaamka Baydhabo?
Waxaa hubaal ah in nidaamka yaal hadda dalka uu ka duwan yahay nidaamyada aan kor ku soo xusnay. Taasina micnaheedu ma aha in nidaamka uu liito, balse ay tahay arrin aan la wadaagno wadamada loo yaqaan “kuwa soo koraya” (Developing Countries). Beey’ad walba oo adduunka waxay suubsataa hab-dowladeed u gaar ah oo u daneeynaya marxaladda adag ay ku jiraan; ama ka fursan weyday inay nidaam gaar ah suubsadaan. Waxaa muuqata in labada nidaam ee “Presidential” iyo “Parliamentary” systems aan isku dhex darnay oo aan kala soo dhex baxnay nidaamka hadda Baydhabo ka jiraa. Nidaamkaasi muxuu yahay? Bal aan wax yar ka sheegno.
Waxaan hadda leenahay Madaxweyne aan si toos ah shacabka u soo dooran, oo ay soo doorteen xubne-baarlamaan oo ka kooban qiyaastii 275, kana soo kala jeeda qabaa’ilada Soomaaliyeed. Sida sharciga uu qeexayana uu yahay in haddii degganaashaha dalka uu soo laabta uu qofkii doonaya jagada madaxweyne si toos ah u soo doortaan dadka. Laakiin marxaladda lagu jira darteed la door biday in madaxweynahii laga soo doorto gudaha baarlamaanka, isaga oo cod weydiisatay 275 kaa xubnood ee baarlamaanka. Sifadaan oo lagu yaqaan, marka nidaamka Reer Galbeedka laga eego (Western democracies) mid lagu soo doorto oo keliya ra’iisal wasaare (xasuus, marka laga saaro nidaamka dalka Isreal iyo Ethiopia, oo ra’iisal wasaaraha ay si toos ah shacabka u soo doortaan hadda).
Waxaa intaasi dheer in aan qaadannay hab-dowladeed ka kooban “Presidential” iyo “Parliamentary” systems, oo micnaheedu yahay in aan yeelanno Madaxweyne awood leh (maadaama xeerka uu dhigayo in si toos ah loo soo doorto, haddii nabad dalka lagu soo hago). Isla markaasina aan yeelanno ra’iisal wasaare uu soo magacaabo madaxweynaha, ansixiyana baarlamaanka. Ra’iisal wasaarahaasi oo ka soo xulanayo gudaha (xubnaha baarlamaanka) golishiisa fulinta howsha xukuumaddiisa oo loo yaqaan wasiirada.
Dadka qaarkiis ayaa waxay isku qaldaan hab-dowladeedka Ethiopia iyo kan Somalia, oo waxay ku andacoodaan in madaxweynaha laga rabo in uu u dhaqmo sida kan Ethiopia (ceremonial president). Dadkani oo ay ka hoos baxday in ra’iisal wasaaraha Ethiopia uu yahay kan sida tooska ah shacabka u soo doortaan (Premier-parliamentary system loo yaqaan), madaxweynahana la soo magacaabo oo xubnaha baarlamaankana uu ansixiyo. Marka awoodda ra’iisal wasaare ee Ethiopia waxaa uu u dhigmaa, sharci ahaan, awoodda madaxweynaha ee nidaamka Somaliya hadda ay tiigsaneyso (ama kii 1960s aan ku dhaqannay). Hadba kii si toos ah shacabka u soo doortaan ayaa awood badan labada mas’uul ee u sarreeya dalka.
Haddaba waqtiga adag ee aan ku jiro darteed ayaa kalliftay in madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha hadda aynu leenahay ay labadaba aan si toos ah shacabka u soo dooran, oo labadaba ay u codeeyeen xubnaha baarlamaanka. Haddana ay qasab tahay in madaxweynaha aanu u baahneyn “vote of confidence” si uu howshiisa u guto ilaa uu ka dhameysanayo waqtigiisa oo shan sano ah. Meesha uu ra’iisal wasaaraha uu sharcigu qeexayo in uu laheyn waqti cayiman uu howshiisa ku guto, shaqo kastana uu qabanayo uu baarlamaanka ansixiyo ama ku diido. Tusaale ahaan, haddii ay ku diidaan (dhowr jeer oo isku xigta) in loo ansixiyo wasiirada uu dhiso ay qasb noqoneyso in uu is casilo oo dabadeed madaxweynaha dib u soo magcaawdo hadduu rabo (waa inay saddex jeer ka badan noqon dib-umagacawgaasi) ama qof kale uu soo magacaabaa.
Gunaanadka maqaalkani waxa weeye, ma waxaan dhahnaa “Labadeenna Ra’iisal Wasaare Alloow Daa?" Ma waxaan dhahnaa “Xeer-jajabkeenna Alloow Daa?" Misa waxaan ku jirnaa soo xigasho (references) aan dhammaaneyn, annagoo isku maaweelineyno, oo aan dhahnaa nidaamka dal hebel waas saas, annaga oo og in marxaladda aan ku jirno dal ku jiraa adduunka uusan jirin. Ma waxaan iska indho tirnaa kartidarrada, shaqsiyad-xumida, iyo macmacaan-jeceylka (ama dhandhanaan-jaceylka) xubnaha baarlamaanka Soomaliyeed oo siista codkooda lacag, haddana aan ku eedeynaa musuq-maasuq (corruption) ra’iisal wasaaraha ama madaxweynaha dalka? Jawaabaha su’aalahiisi oo dhan waxaan u deynayaa akhristayaasha, anoo filaya in fikrado is-khilaafsan ay ka soo bixi doonto jawaabahaasi. Khilaafkaasi oo aan u arko “Raxmaddii Ilaah”.
Warsan iyo Guubaabo Roobdoon Forum
Taloow, imisa $ ayeey kula tahay in ay gacanta ku taagan doonaan kuwan?
|